SOMALIYEY TOOSA ITALIA
|
ASSOCIAZIONE CULTURALE SOMAI IN ITALIA

Nagu Saabsan

Nagu Saabsan?
Somaliyey Toosa waa urur samafal oo loo aas aasay in ay taageero u fidiyaan dadka somaliyeed ee ku dhibateesan wadanka talyaniga iyo waxay kaloo caawinaad u fidiyaan wadanka Somalia marka ay dhibaatooyin ay ka dhacaan.

Himiladeennu waa mid ku saleysan naxariis, midnimo, iyo go’aanka ah in aan gacan qabanno qof kasta oo Soomaaliyeed, si aan uga tagin cidna oo dhibaataysan dal shisheeye.

Sidee U Bilaawnay?
Somaliyey Toosa waxaa la aas aasay sanadka 2020, iyadoo markii hore ka soo bilaawday koox WhatsApp ah, taasoo loo sameeyay in la isu keeno dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Talyaaniga. Waqti ka dib, dadaalkayaga wuxuu ku fiday gobollo kala duwan oo dalka ah, waxaan noqonay urur si rasmi ah u caawiya dadka Soomaaliyeed.

Himilada iyo Yoolalka Somaliyey Toosa Italia

U gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Talyaaniga waxay go’aamin doonaan mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed. Waxaan diiradda saareynaa caawinta kuwa ugu baahida badan.

Xoghaynta Ururka

Naciima Suudi

Naciima Suudi oo ka mid ah Guddiga Ururka Somaliyey Toosa Italia, ahna Xoghaynta Ururka oo ka warbixineysa waxqabadka Ururka Somaliyey Toosa Italia

Waxaan howlo samafal ka wadnaa gobollada kala duwan ee dalka Talyaaniga

Waxaan howlo samafal ka wadnaa gobollada kala duwan ee dalka Talyaaniga, halkaas oo aan ka caawino dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaar. Waxaan u gurmanay gabdho yar yar oo la dhibaatay, waxaan dib u mideynay hooyo iyo cunug ay kala maqnaayeen, waxaan ka caawinnay qoysas Soomaaliyeed iney dib u helaan xubnaha ehelkooda oo muddo dheer kala maqnaa.

Sidoo kale, waxaan caawin u fidinnaa dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira, anagoo u fududeyna inaan dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya si ay dib ugu midoobaan qoysaskooda. Howlaheenna waxay horseedeen in dad badan oo dhibaato ku jiray aan si nabadgelyo leh ugu celinno dalkooda hooyo.

Gargaar Qiimo Leh oo Loo Fidiyay Soomaalida Dhibaateysan ee Talyaaniga

Somaliyey, Toosa Community waxay gargaar weyn u fidisay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan gudaha dalka Talyaaniga, sida gabdho yar yar oo soo tahriibay oo noloshooda la badbaadiyay, hooyo kooma ka soo baxday oo dib loola mideeyay cunugeedii, dadka xabsiyada ku jiray ee laga soo badbaadiyay, iyo kuwo kale. Fadlan sawiradooda daawo

Previous slide
Next slide

Saameyntayada Sanadihii la soo dhaafay, waxaan saameyn weyn ku yeelanay oo siinay gargaar deg-deg ah, daryeel caafimaad, iyo taageero sharci dad Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Talyaaniga. 

Sidoo kale, waxaan kaalin mug leh ka qaadanay baafinta iyo dib u soo celinta dad Soomaaliyeed oo la waayey iyo in la mideeyo qoysas kala maqan.

Nagu Soo Biir

Waxaan soo dhaweynaynaa qof kasta oo nala qabta aragtida iyo hammiga aan u qabo gargaaridda dadka kale. Wadajirkeenu wuxuu horseedayaa isbeddel wanaagsan, qof qofna looga tagi maayo

0

Dadka nagu soo biiray