SOMALIYEY TOOSA ITALIA
|
ASSOCIAZIONE CULTURALE SOMAI IN ITALIA

Isbuuca Hidaha iyo Dhaqanka

Isbuuca Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxay fursad u noqotay dad weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Roma iyo haraaraheeda iyo dadka Talyaaniga ee aanan aqoonta u laheyn dhaqanka Soomaaliyeed ama kuwa u leh aqoon dhaqanka Soomaaliya balse aanan helin fursad ay Aqal iyo Mudul Soomaali ku arkaan, waxaana intaasi usii dheered in lasoo aruuriyay oo Soomaaliya laga keenay dhamaan wax yaabihi dhaqanka Somaliyeed muhiimka u aha, waxaana qaarkood laga soo gaday meel 600 kilo mitir u jirto Magaalada Muqdisho, waxaana intaasi oo halgan ah ka geysatay uruka Soomaaliyey Toosa oo juhdi iyo qarash ku bixiyay keenista alaabta hidaha iyo dhaqanka.

Bandhigii Hidadha iyo Dhaqanka

Dadki daafaha Italia uga yimid xaflada Hidaha iyo Dhaqanka ee lagu qabtay Roma, Italia

Bandhig Dhaqanka Soomaalida

Howlaha Samafalka iyo Tabarucaada kadib, waxaay markii ugu horeysay Somaliye Toosa aay furtay Xafladda Isbuuca Hiddaha iyo Dhaqanka midaas oo la qabtay 26kii June ilaa 1da July ee sanadkii 2022. Xafladaas oo ka dhacday dalka Talyaaniga ee gaar ahaan magalada Roma.

Sanadkii ugu horeeyay ee ururka Somaliyey Toosa eey qaban qaabinay Isbuuca Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed,  waxaa lagu qabtay via Tenuta della Mistica 55 ee Ururka Mutadawiciinta Volontari Capitano Ultimo, waxaana uu ahaa Munaasabad furan oo si xur ah oo lacag la’aan ah lagu daawanayay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay raashiinka nuucyadiisa kala duwan ee aan cuno haddii aan nahay Soomaali.

Roma oo Martigelisay Isbuuca Dhaqanka Soomaaliyeed Sanadkii Labaad

Waxaa lagu qabtay xarunta jerdiinka Villa Borghese waxaana garab nagu siiyay abaabulkeeda Xafiiska Duqa Magaalada Roma Roberto Gualtieri iyo dhamaan Xafiisyada Hay’addaha Dowladda Hoose ee Magaalada Roma.
Marka loo eego sanadkii 2-aad, Isbuuca Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa 2023kii lagu casuumay qoraayaal asalkooda Soomaali ah sida Rahma Nur, Igiaba Scego, Antar Mohamed iyo Adil Mauro oo aabihiis Talyaani ah balse hooyadiis ay Soomaali tahay, wadankaan talyaanigana wax ku qora, waxaa kaloo lagu casuumay xildhibaanka Torino Abdullahi Ahmed. 
Waxayna soo bandhigeen buugaagtooda kana hadleen taariikhda Soomaaliya xilligii gumeysigii, Dowladihii Soomaaliya iyo xaalada ay Soomaaliya mareyso

Bandhiga sanadkaan

Isbuuca Hidaha & Dhaqanka 2024

Sanadkaan aan ku jirno ee 2024 haddii Alle idmo, Isbuuca Hidaha iyo Dhaqanka waxaa lagu qaban doonaa magalada Roma ee dalka Talyaaniga balse waan ku guda jirnaa Insha Allah. Nala soo xiriir si aad u hesho waqtiga la qabanaayo iyo goobta lagu qabanaayo